Real Madrid, Barcelona & Juventus OoLABA Sannadood Laga MamnuucayoChampions League & Baadhistii UEFA OoSoo Dhamaatay

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa tallaabo
anshax marin ah ka qaadaya kooxaha Real Madrid,
Barcelona iyo Juventus oo diiday in ay ka baxaan
tartanka Super League ee ay naadiyadii kale ee la
samaystay dhamaantood iskaga baxeen.
Labada kooxood ee reer Spain oo lagu daray Juventus,
waa saddexda kooxood ee kaliya ee ku hadhsan
mashruuca fashilmay ee Super League, iyadoo sagaalkii
naadi ee kale ay hore u shaaciyeen in ay ka laabteen
mashruucaas kaddib mudaharaadyo kaga yimid
taageereyaasha iyo culaysyo ay saareen UEFA,
xidhiidhada dalalkooda iyo khubarada ciyaaraha.
War-saxaafadeed ay xalay soo saartay UEFA ayay ku
xaqiijisay, in saddexdan kooxood lagu furay kiis la
xidhiidha in ay jabiyeen sharciga ay ku shaqayso UEFA,
taas oo ay ka dhalan doonto ciqaab adag.
“Baadhitaan ay samaysay guddida Anshaxa UEFA oo la
xidhiidhay waxa loogu yeedhay ‘Mashruuca Super League,
dacwado anshax marin ayaa lagu oogayaa kooxaha Real
Madrid, Barcelona iyo Juventus taas oo ah in ay jabiyeen
sharciga ay ku shaqayso UEFA.” Ayaa lagu yidhi war-
saxaafadeedka ay soo saartay UEFA, iyadoo intaana la
raaicyey in macluumaad dheeraad ah la bixin doono.
Warbaahinta adduunyada ayaa sheegtay, in haddii lagu
helo kooxahan, in ay jabiyeen sharciga ay ku shaqayso
UEFA, in ay mudan doonaan ciqaab ah in laga ganaaxo
tartanka Champions League.
Ciqaabta ugu adag ayaa waxay noqon doontaa in laga
caydhiyo tartanka Champions League sannad ama laba
sannadood iyo waliba ganaax lacageed oo aad u badan.
Maxaa dhacaya haddii kooxahan laga ganaaxo
Champions League?
Horyaallada Spain iyo Talyaaniga, waxba iskama dhimi
doonaan tirada kooxihii uga qayb-gelayay tartanka
Champions League haddii la ganaaxo saddexdan
kooxood.
Boosaska Real Madrid iyo Barcelona, waxa Spain u
beddeli doona Real Sociedad iyo Real Betis, halka
Talyaanigana ay iman doonto Napoli oo kaalinta shanaad
ku dhamaysatay.

Published by Adan Hassan

I am a

One thought on “Real Madrid, Barcelona & Juventus OoLABA Sannadood Laga MamnuucayoChampions League & Baadhistii UEFA OoSoo Dhamaatay

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

Create your website with WordPress.com
Get started
%d bloggers like this: