DAAWO: Garoonka Real Madrid Ee SantiagoBernabeu Oo Gubanaya

Garoonka kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Santiago
Bernabeu ayuu dab ka kacay, waxaana ku bakhtiintiisa
ama damintiisa ku mashquulsan ciidadamada la
dagaallama dabka.
Warbaahinta Spain ee Cope ayaa muuqaal ka heshay
dusha sare ee garoonka oo uu qiiq ka baxayo, iyadoo
halkaasna laga maqlayo dhawaqa baabuurta dab-demiska
ee garoonka.
Garoonka oo uu ka socdo dhisme dib loogu habaynayo oo
ay ku baxayso lacag ka badan 500 milyan oo Euro, ayaan
la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee kasoo gaadhay dabkan
oo saqafka sare ah ee dhismuhu ka socdo ah.
Warka ayaa intaa ku daray in dabku kusoo fiday garoonka
oo uu hoos usoo degay, laakiin aanu ahayn mid badan oo
la xakameeyey.
Shirkadda gacanta ku haysa dhismaha garoonka iyo Real
Madrid ayaanu midkoodna ka hadal waxa sababay
dabkan iyo khasaaraha uu geystayba.
Garoonka Santiago Bernabeu oo la dhisay sannadkii
1947kii, ayay Real Madrid dib u dhis ku bilowday xilli
ciyaareedkii hore, iyadoosi ku-meelgaadh ahna ugu
wareegtay Alfredo Di Stefano oo ah garoonka kooxda
da’yartu ku ciyaarto, waxaana marka la dhamaystiro uu
qaadi doonaa 81,044 qof.

Published by Adan Hassan

I am a

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

Create your website with WordPress.com
Get started
%d bloggers like this: