DEG-DEG: Zinedine Zidane Oo Iska CasilayReal Madrid & Antonio Conte Oo Beddelaya

Tababaraha reer France ee Zinedine Zidane ayaa iska
casilay Real Madrid kaddib xilli ciyaareed koobab la’aan
kusoo dhamaaday oo ay kooxdaasi kusoo dhamaysatay
si dhibaato badan.
Zinedine Zidane ayaa la filayay in uu go’aan ka qaato
mustaqbalkiisa, kaas oo horeba loo sii sheegay in uu
ciyaartoyda kooxda ku wargeliyey in uu tegayo markii ay
soo dhamaatay ciyaartii Chelsea ee semi-finalka
Champions League.
Sida uu hadda xaqiijiyey wariyaha aadka loogu kalsoon
yahay ee Fabrizio Romano oo Talyaani ah, Zinedine
Zidane ayaa go’aan ku gaadhay in uu iskaga tago Real
Madrid, isla markaana uu go’aankiisa ku wargeliyey
Madaxweyne Florentino Perez.
Wariyaha ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Twitter-ka,
waxa uu ku sheegay in Zinedine Zidane uu go’aan kalidii
ah gaadhay, kooxduna ay mar dhow si rasmi ah u xaqiijin
doonto bixitaankiisa.
Real Madrid ayaa xilli ciyaareedkan ku dhamaysatay
kaalinta labaad ee horyaalka LaLiga iyadoo laba dhibcood
ka dambaysay Atletico Madrid oo koobka qaadday,
waxaana sidoo kale ay ku hadheen semi-finalka
Champions League oo ay kusoo garaacday Chelsea.
Los Blancos ayaa sidoo kale waqti hore ka hadhay
tartanka Copa del Rey oo ay kooxda heerka saddexaad
ee Alcoyano ay ku garaacday, halka Supercopa de
Espana ay semi-finalkii ku reebtay Athletic Bilbao, sidaas
ayaanay dhamaan afartii koob ee ay u tartameen ay
koobab la’aan uga noqdeen.
Madaxweyne Florentino Perez ayaa la sheegay in uu
doonayay in Zinedine Zidane uu sii joogo, siina ahaado
tababaraha kooxda ee xilli ciyaareedka dambe, laakiin uu
tababaraha reer France go’aansaday in uu markii labaad
iskaga tago kooxda.
Antonio Conte oo caawa iska casilay Inter Milan ayaa la
filayaa in uu noqdo tababaraha cusub ee Real Madrid,
laakiin waxa isagana lala xidhiidhinayaa Massimiliano
Allegri, halka Raul Gonzalez uu isaguna ku jiro liiska.

Published by Adan Hassan

I am a

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

Create your website with WordPress.com
Get started
%d bloggers like this: