Villarreal Oo Ku Guuleysatay EuropaLeague, Rulli Oo Noqday Geesigii KulankaIyo Dea Gea Oo Khasaariyey United

Kooxda kubadda cagta Villarreal ayaa ku guuleysatay
Koobka Europa League iyadoo rikoodheyaal ku garaacday
Manchester United oo finalkii 5aad lagaga guuleystay intii
uu Ole Gunnar Solskjaer tababaraha u ahaa.
Villarreal ayaa xaqiijisatay in ay gacanta ku dhigto koobka
Europa League oo ay bandhig wanaagsan ka samaysay,
waxaana ka caawiyey goolhaye Geronimo Rulli oo
rikoodhihii ugu dambeeyey u dhaliyey, kana qabtay David
de Gea.
Kooxda reer Spain ayaa qaybtii hore ee ciyaarta waxay la
hormartay gool uu u dhaliyey Moreno, waxaase
barbarraysay United oo qaybtii dambe uu u dhaliyey
Edinson Cavani, waxaana 90kii daqiiqadood iyo waqtigii
dheeraadka ahaa ee 30ka daqiiqadoodba ay kusoo
dhamaatay 1-1.
Rikoodheyaal ama gool ku laad loo dhigay labada
kooxood ayaa waxa 11-10 ku badisay Villarreal, waxaana
Manchester United guul-darrada ku hoggaamiyey
goolhayeeda David de Gea oo laadkii ugu dambeeyey
laga qabtay.
Tababare Unai Emery ayaa dhigay taariikh kale, waxaanu
markii afraad ku guuleystay koobka Europa League,
iyadoo uu saddexda mar ee hore usoo qaaday kooxda
Sevilla ee reer Spain, halka Manchester United oo
koobkan qaadday sannadkii 2017 ay mar kale sii
ahaanayso koob la’aan.
Faahfaahintii kulanka
Villarreal ayaa gool la hormartay daqiiqaddii 29aad ee
ciyaarta, waxaana Man United lagu ciqaabay qalad uu
galay Edinson Cavani oo laad xor ah loogu dhigay
Villarreal, kaas oo uu soo tuuray Daniel Parejo, isla
markaana uu goolka ku qabtay Gerard Moreno oo lugta
geliyey kubbad u dhaaftay difaacyahannada.
Laakiin Manchester United oo inta badan maamulaysay
ciyaarta ayaa goolkaas iska soo beddelay qaybta labaad,
waxaana kubbad uu soo tuuray Scott McTominay
shabaqa dhex dhigay Edinson Cavani oo saxay qaladkii
uu sameeyey daqiiqaddii 58aad ee qaybta labaad ee
ciyaarta.
Red Devils ayaa heshay fursado badan oo kale, waxaanay
dhawr jeer ku doodeen in loosoo daawado VAR iyagoo
rumaysnaa in qalad lagu galay ciyaartoydooda, laakiin
garsooraha ayaa u sheegay in aanay waxba dhicin,
isagoo sidoo kalena kaashanayay kaaliyeyaashiisa
shaashadaha ka caawinaya.
Unai Emery ayaa xeelad ciyaaray qaybtii damber,
waxaanu sameeyey beddello badan xilli uu culays saarnaa
kooxdiisa, waxaanay taasi ka caawisay in ay adkaystaan
khadkooda dambe oo ay 90kii daqiiqadood ee ciyaarta ku
dhameeyaan barbarro 1-1 ah.
Ciyaarta ayaa lagu daray soddon daqiiqadood oo
dheeraad ah oo aanay labada kooxood wax goolal ah
kala dhalinin.
Intaas kaddib ayay labada kooxood galeen gool ku-laad
ama rikoodheyaal, waxaana ku hormartay Villarreal oo uu
u dhaliyey Moreno oo dhinaca qaldan u diray David de
Gea, waxaana ku xigay Juan Mata oo ay kubaddiisu halis
gashay, iyadoo uu goolhayuhu sii taabtay balse ay waxyar
ka dallacantay.
Daniel Raba iyo Alex Telles ayaa isku jawaabay oo
dhaliyey rikoodheyaashoodii iyagoon wax qalad ah
samaynin, waxaana laadkii laadkii saddexaad qaadatay
Villarreal oo uu u dhaliyey Paco Alcacer oo isagana uu
barbarreeyey Bruno Fernandes oo isagana kubaddiisu
halis gashay.
Difaaca bidix ee Alberto Moreno oo beddel kusoo galay
ciyaarta ayaa soo kacay, waxaanu hoggaanka u dhiibay
kooxdiisa, laakiin waxa soo qabtay Marcus Rashford oo
ciyaarta kusoo celiyey barbarro.
Parejo ayaa rikoodhihii shanaad u saxeexay Villarreal,
waxaana ay ciyaartoyda kooxdiisu gacmaha kor ugu
taageen iyagoo ku ducaysanaya in Manchester United
lumiso rikoodhaheeda ugu dambeeya. Edinson Cavani
ayaa soo beday oo shantii rikoodhe kusoo xidhay
laadkiisa oo qalad la’aan ahaa.
Intaas kaddib waxa bilowday rikoodheyaal kooxdii laga
qabto ee laga dhaliyo ay si toos ah u tegayso, waxaana
isku xigay Moi Gomez iyo Fred oo labaduba dhaliyey,
waxaana sii raaciyey Raul Albiol iyo Daniel James.
Francis Coquelin ayaa rikoodhihii siddeedaad u dhaliyey
Villarreal, waxaase mar kale barbarro ka dhigay Luke
Shaw oo kubaddiisu ay ka hoos baxday goolhaye
Geronimo Rulli.
Mario Gaspar iyo Alex Tuanzebe ayaa rikoodheyaashii
sagaalaad qaatay oo dhaliyey, waxaana laadkii tobnaad
iskugu jawaabay Pau Torres iyo Victor Lindelof.
Goolhaye Geronimo Rulli ayaa rikoodhihii 11aad u
dhaliyey Villarreal, kaddibna ka qabtay David De Gea,
sidaas ayaanay Villarreal ku qaaday koobka Europa
League.

Published by Adan Hassan

I am a

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

Create your website with WordPress.com
Get started
%d bloggers like this: