Thiago Silva Oo Dhaawac Ay Chelsea KaNaxday Kaga Baxay Finalka ChampionsLeague

Thiago Silva oo ooyaya ayaa ka baxay garoonka
daqiiqaddii 38aad ee qaybta hore, kaddib markii uu
dhaawac kasoo gaadhay muruq xilli ay kubadda wada
boobayeen Phil Foden.
Difaaca reer Brazil oo hoggaaminayay khadka dambe ee
Chelsea ayay isku dhaceen Foden xilli ay
boodhsanaayeen oo ay kubbad madax ah wada
boobayeen, taas oo uu ku guuleystay. Silva ayaa awoodi
waayey in uu sii wato ciyaarta, waxaana uu fadhiistay
dhulka isagoo wajiga dhulka dhigay, isla markaana oohin
qabsaday.
Ka hor intii aan la saarin, Silva ayaa muujinayay niyad-jab
badan iyo sida uu uga xun yahay in uu ka baxo kooxdiisa
oo finalka Champions League ciyaaraysa. Shaqaalaha
caafimaadka Chelsea oo garoonka bannaankiisa kula
tacaalay ka hor intii aan la saarin ayaa keentay in uu
kusoo laabto ciyaarta, ka hor intii aanu si rasmi ah usoo
bixin.
36 jirkan ayaa lagu beddelay Christensen oo dhaawac ku
maqnaa tan iyo horraantii bishan May, taas oo shaki
gelinaysa u diyaarsanaantiisa ciyaartan.
Thiago Silva ayaa Chelsea u saftay 34 kulan oo dhamaan
tartamada ah xilli ciyaareedkan, waxaanu isbeddel badan
ku keenay difaaca kooxda oo uu ka dhigay mid adag.

Published by Adan Hassan

I am a

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

Create your website with WordPress.com
Get started
%d bloggers like this: