Chelsea Oo Ku Guuleysatay ChampionsLeague & Qalbi-Jabkii Manchester City OoSii Socda

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa ku guuleysatay
koobka horyaalka naadiyada Yurub ee Champions League,
iyadoo 1-0 kaga badisay Manchester City oo ay iskugu
soo hadheen ciyaartii ugu dambaysay.
Chelsea ayaa markii labaad taariikhdeeda ku guuleysatay
Champions League, waxaanay uga mahad-celinayaan
da’yarka reer Germany ee Kai Havertz oo goolka u
dhaliyey qaybtii hore.
Tababare Thomas Tuchel ayaa markii saddexaad muddo
laba bilood ka yar ku garaacay Pep Guardiola iyo
kooxdiisa Manchester City, waxaana bilowgii ciyaartan ka
nixiyey Timo Werner oo laba fursadood oo dahabi ah
helay daqiiqadihii ugu horreeyey laakiin midna u dhiibay
Ederson, midda kalena lugihiisu ka xadeen.
Daqiiqaddii 42aad ee qaybta hore ayuu Kai Havertz
kubada u jaray goolhayaha kuna hubsaday shabaqa
Manchester City, waxaanu goolkaasi ahaa midkii ugu
horreeyey ee uu ka dhaliyey tartanka Champions League
iyo midka guusha u horseeday Chelsea.
Chelsea ayay jug weyni soo gaadhay qaybtii hore markii
uu dhaawac kaga baxay Thiago Silva, waxaase aan ka
dambaynin Manchester City oo uu iyagana daqiiqaddii
60aad ka baxay Kevin de Bruyne oo uu dhaawac kasoo
gaadhay markii ay isku dhaceen Antonio Rudiger.
Christian Pulisic oo beddel kusoo galay ayaa lumiyey
fursad weyn oo uu ciyaarta kaga dhigi lahaa 2-0 qaybtii
dambe, waxaase iyaguna fursado dahabi ah iska lumiyey
Manchester City oo daqiiqaddii 90aad uu meel 6 yard u
jirta goolka Chelsea uu Dias ka helay kubad.
Pep Guardiola ayaa canaan badan ku lahaa guul-darrada
kooxdiisa, sababtoo ah, waxa uu fadhiisiyey
ciyaaryahannada khadka dhexe ee kubbad-
burburiyeyaasha ahaa ee Rodri iyo Bruno Fernandes,
waxaanay taasi fursad u noqotay Chelsea oo ka
shaqaysatay khadka dhexe, iyadoo ay qaban kari
waayeen Kai Havertz.

Published by Adan Hassan

I am a

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

Create your website with WordPress.com
Get started
%d bloggers like this: