“Waan Ka Niyad-jabay In Uu Ka Tegay RealMadrid, Laakiin Noloshu Way Soconaysaa”

Karim Benzema ayaa ka hadlay iscasiladdii Zinedine
Zidane oo iskaga tegay Real Madrid kaddib xilli ciyaareed
ay kooxdu koobab la’aan ku dhamaysatay.
Zidane ayaa toddobaadkii hore soo afjaray hadal-hayn
muddo ka taagnayd mustaqbalkiisa, waxaanu Florentino
Perez u dhiibay go’aankiisa ah in uu iska tegayo xilli
kooxdu doonaysay in uu sii joogo.
Weeraryahanka ay isku waddanka yihiin ee Karim
Benzema oo maanta ka hadlayay shir jaraa’id ayaa wax
laga weydiiyey bixitaanka Zidane, waxaana uu qiray in uu
aad uga niyad-jabay, sababtoo ah taageeradii uu mar
walba siin jiray iyo sidii uu u caawin jiray.
Benzema ayaa yidhi: “Zizou mar walba wuu iga
dambeeyey, i taageeri jiray, waxaanu iga caawiyey in aan
soo gaadho heerkan.
“Waan u mahad-celin doonaa maalin walba. Dabcan waan
ka niyad-jabsanahay in uu ka tegayo Real, sababtoo ah
wuxuu ahaa tababare wanaagsan oo koobab badan ku
guuleystay.”
Shaqsiyadda Zidane ayaa uu sidoo kale amaanay,
waxaanu yidhi: “Marka laga hadlayo binu-aadanimada,
isagu waa ninka ugu fiican. Waxaan ku sifaynayaa
kalmadda ‘heersare’. Laakiin waa sida ay tahay hadda,
noloshu way sii soconaysaa.”
Maxaa u xiga Zidane iyo Real Madrid
Lama hubo in Zinedine Zidane oo 48 jir ah uu sii wadi
doono shaqada tababarka, laakiin waxa la fahamsan
yahay in waqtigan la joogo uu geli doono nasasho.
Waxa hore loola xidhiidhinayay Juventus oo shaqada ka
caydhisay Andrea Pirlo, laakiin waxa kooxdaasi ay
tababaraheeda u magacowday Massimiliano Allegri oo
dib ugu soo laabtay.
Real Madrid ayaa iyadana lala xidhiidhinayaa Mauricio
Pochettino oo la sheegay in uu ku wargeliyey PSG in uu
iska tegayo. Waxa kale oo liiska macallimiinta Los
Blancos ku jira Raul oo hadda ah tababaraha kooxda
da’yarta Real Madrid ee Castilla.

Published by Adan Hassan

I am a

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

Create your website with WordPress.com
Get started
%d bloggers like this: