DEG-DEG: Xiddiga Ku Guuleystay Abaal-marinta Xiddiga Sannadka Ee PFA Oo LaShaaciyey

Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa ku
dhawaaqay xiddiga ku guuleystay abaal-marinta
ciyaartoyga ugu wanaagsanaa dalkaas sannadkan,
waxaana markii labaad oo xidhiidh ah hantay Kevin de
Bruyne.
Kubbad-sameeyaha reer Belgium ee Kevin de Bruyne
ayaa dhaafay rikoodhkii xiddiga sannadka ee Cristiano
Ronaldo iyo Thierry Henry ee abaal-marinta PFA ee
gudaha waddanka Ingiriiska.
Kevin de Bruyne ayay la tartamayeen saddexda ciyaartoy
ee ay isku kooxda yihiin ee Ruben Dias, Ilkay Gundogan
iyo Phil Foden, halka Harry Kane iyo Bruno Fernandes ay
iyaguna ku jireen ciyaartoyda uu De Bruyne ku garaacay
abaal-marintan.
Xiddiga reer Belgium ayaa Manchester City ka caawiyey
hanashada horyaalka Premier League markii shanaad intii
uu uu isagu joogay iyo afar koob oo isku xiga oo Carabao
Cup ah.
29 jirkan ayaa ku biiray liiska halyeeyadii Man United iyo
Arsenal ee Ronaldo iyo Henry oo min laba jeer ku
guuleystay abaal-marinta xiddiga sannadka ee PFA.
“Xaqiiqada ah in ay ciyaartoydu ii doorteen abaal-
marintan, waxay muujinaysaa in aan shaqo aad u
wanaagsan qabtay” Ayuu yidhi De Bruyne oo ka hadlayay
abaal-marintan la guddoonsiiyey ee xiddiga sannadka ee
PFA.
Ridkoodhkii De Bruyne ee xilli ciyaareedka 2020-21
De Bruyne ayaa dhaliyey 10 gool, kuna daray 18
caawimood 40 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan,
waxaana uu rikoodhkiisan sii kordhisan kari lahaa haddii
aanay dhaawacyo soo gaadhi lahayn.
Kubbad-sameeyahan ayaa garoomada ka maqnaa muddo
12 ciyaarood ah, waxaana xaqiiqo ah in goolashiisa iyo
caawintuba ay intan ka badan lahaayeen.
YAA KU GUULEYSTAY DA’YARKII UGU WANAAGSANAA
Xiddigii ugu wanaagsanaa ee da’yarta ayaa waxa la
guddoonsiiyey laacibka da’da yar ee Man City ee Phil
Foden, kaas oo sidoo kale ku tartamay abaal-marinta PFA
oo uu De Bruyne ka qaaday.

Published by Adan Hassan

I am a

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

Create your website with WordPress.com
Get started
%d bloggers like this: