England Oo Guul Ka Gaadhay Romania,Rashford Oo Soo Afjaray Rikoodhkii CeebtaAhaa Ee 51ka Sannadood Jiray Iyo HendoOo Rikoodhe Lumiyey

Xulka qaranka England ayaa soo afjartay rikoodhkii
murugada lahaa ee ka haystay Romania oo aanay ka
badinin muddo 51 sannadood ah, waxaana ciyaar
saaxiibtinimo oo ka dhacday magaalada Middlesbrough
ay ku badiyeen 1-0.
England oo isku diyaarinaysa tartanka qaramada Yurub ee
Euro 2020 ee Jimcaha bilaabmaya waxay kulankii labaad
oo saaxiibtinimo ku ballansatay Romania oo ay ugu
dambaysay in ay ka adkaato intii uu socday Koobkii
Adduunka ee 1970kii, waxaana la baxsaday Marcus
Rashford oo beddel ku baxay, kana badbaadiyey in
rikoodhka xun ee nus-qarniga jiray uu sii socdo.
Garoonka Riverside Stadium oo la dhisay 1995kii ayuu
xulka qaranka England ka dhigtay hoyga kulamada
saaxiibtinimo, waxaana tababare Gareth Southgate uu
haystay xasuusta xun ee ahayd in markii ugu dambaysay
ee Romania ay iska hor yimaaddanaan oo ahayd Euro
2000 uu beddel kusoo galay, laakiin dalkiisa lagu
garaacay 3-2, iyadoo uu waqtigaas Romania
hoggaaminayay Gheorghe Hagi.
England ayaa si dardar ah ku bilaabatay ciyaartan oo
qiimayn gaar ah lagu samaynayay shaxda ugu habboon
ee Southgate uu ku dheeli karo tartanka qaramada Yurub,
waxaana qaybtii hore oo ay u ahayd mid niyad-jab ah oo
ay halis badan abuuri kari waayeen.
Calvert-Lewin iyo Jadon Sancho ayaa laba jeer birta
garaacay qaybta hore, halka Romania ay saddex jeer ku
dhowaatay in ay shabaqa England kubadda dhex-dhigto.
Qaybta labaad ayaa uu Southgate sameeyey isbeddello
badan, waxaana markii lagu soo noqday garoonkaba uu
soo raaciyey kabtanka Liverpool ee Jordan Henderson oo
kulankiisii ugu horreeyey saftay muddo afar bilood ah,
iyadoo uu dhaawacmay bishii February ee horraantii
sannadkan.
Daqiiqaddii 68aad ayaa England loo dhigay rikoodhe
kaddib markii Jack Grealish oo dhinaca bidix kasoo galay
lagu dhex riday xerada ganaaxa xilli uu dhaafayay Cpusa,
waxaana garsooraha reer Portugal ee Tiago Martins ee
kulanka dhexdhexaadinayay uu qabtay rikoodhe.
Marcus Rashford ayaa kubadda soo qaatay oo gool u
beddelay rikoodhahaas, waxaanu goolkaasi ahaa midkii
12aad ee uu u dhaliyo xulka England iyo goolkiisii
shanaad ee lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey.
RIKOODH: Marcus Rashford oo ciyaartan kabtan ka ahaa
ayaa noqday ciyaartoygii toddobaad ee Manchester
United ah ee kulankiisii ugu horreeyey ee kabtanka looga
dhigay England dhaliya gool.
Daqiiqaddii 77aad ayaa rikoodhe kale loo dhigay England
kaddib markii uu Chiriches si kama’ ah madaxa u qabtay
Grealish. Kabtanka Romania ayaa kasii dul-booday
Calvert-Lewin oo uu dhulka dhigay, waxaana sidaas
rikoodhihii labaad loogu dhigay England.
Khasaare: Jordan Henderson ayaa rikoodhaha loo daayey
in uu dhaliyo si uu dib ugu helo kalsoonidiisa maadaama
uu muddo badan garoomada ka maqnaa, laakiin nasiib-
darro waxa uu khasaariyey goolkaas iyadoo uu
kubaddaasna badbaadiyey goolhayaha Romania ee Florin
Nita.

Published by Adan Hassan

I am a

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

Create your website with WordPress.com
Get started
%d bloggers like this: