War Cusub Oo Kasoo Kordhay DhaawaciiXALAY Ee Karim Benzema & Haddii UuSeegayo Euro-da

Xulka qaranka Faransiiska ayaa helay jawaab ka farxisay
oo ku saabsan dhaawacii xalay soo gaadhay
weeraryahankooda Karim Benzema oo laga saaray qaybta
hore ee kulankii saaxiibtinimo ee Bulgaria.
Karim Benzema ayaa taam u noqon doona kulanka ugu
soo horreeya ee Faransiisku la ciyaari doono Germany
Axadda soo socota, taas oo ah kulanka ugu horreeya ee
labadan waddan ay ku furanayaan tartanka qaramada
Yurub ee Euro.
33 jirkan oo lix sannadood kaddib lagu soo celiyey xulka
France ayaa rajadiisu gabaabsi noqotay xalay markii uu
xanuun dartii garoonka uga baxay isagoo is-haya jilibka,
laakiin waxa la caddeeyey in kaliya ay jug kasoo gaadhay
muruqa ka sarreeya jilibka oo uu ka dareemay xanuun
badan, taasina keentay inuu dalbado beddel si aanay
xaaladdiisu usii xumaanin.
Sidee ayay wax u gaadheen Benzema?
Karim Benzema ayay isku dhaceen difaaca Bulgaria ee
Ivan Turitsov qaybtii hore kulankii ka dhacay Stade de
France daqiiqaddii 37aad, waxaana garoonka ugu yimid
dhakhaatiirta, kaddibna waxa uu isku dayey in uu ciyaarta
sii wato. Laakiin daqiiqaddii 41aad ayuu dalbaday in la
beddelo kaddib xanuun badan oo uu dareemay, waxaana
booskiisa yimid Olivier Giroud oo laba gool dhaliyey.
Sidii aanu saakaba ku sheegtay warbixintii aanu xogta
dhaawaca kusoo bandhigtay, tababaraha xulka qaranka
France ee Didier Deschamps ayaa sheegay in kaliya ay
jug soo gaadhay, xaaladdiisana ay dhakhaatiirtu gacanta
ku hayaan oo aanay dhibaato weyni jirin.

Published by Adan Hassan

I am a

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

Create your website with WordPress.com
Get started
%d bloggers like this: