Manchester United, PSG mise Chelsea?Kooxda Uu Kusii Jeedo Sergio RamosKaddib Bixitaanka Real Madrid

Sergio Ramos ayaa soo afjaray 16 sannadood oo uu u
ciyaarayay Real Madrid, taas oo uu sannadkii 2005 kaga
soo biiray Sevilla, isla markaana uu guulo badan la
gaadhay.
Real Madrid ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku
sheegtay in Sergio Ramos uu ka tegayo iyadoo heshiiskii
uu kula jiray uu ku egyahay dhamaadka bishan June,
sidaana uu qaab xor ah kaga baxayo Los Blancos.
Tababare Carlo Ancelotti ayaa isku dayay inuu ku qanciyo
Ramos inuu sii joogo oo ay mar kale ka wada
shaqeeyaan Santiago Bernabeu, laakiin Ramos ayaa
go’aansaday in uu ka tago kooxda oo uu tijaabiyo koox
kale oo cusub.
Real Madrid ayaa muddo sannad ah wada-xaajood kula
jirtay laacibkan si uu u saxeexo heshiis cusub, laakiin
waxa lagu kala fogaaday laba arrimood oo kala ahaa
muddada uu saxeexayo iyo mushaharka uu qaadanayo.
Los Blancos oo uu sharcigeedu dhigayo in ciyaartoyda
da’doodu ka weyn tahay 30 jir aan mar kaliya la siin karin
heshiis ka badan 12 bilood laakiin marka uu qandaraaska
hore saxeexo ee uu xilli ciyaareedku bilaabmo haddana
sannad kale loo bandhigi karo, ayaa waxay u sheegtay
Ramos in sidii ay sannadihii horeba samayn jireen uu
saxeexo heshiis sannad ah, laakiin laacibkan ayaa ku
adkaystay in ugu yaraan laba sannadood oo wada-socda
la siiyo, taas oo kasoo horjeedda siyaasadda kooxda.
Qodobka labaad ee la isku qabtay ayaa waxa uu ahaa in
Real Madrid ay u sheegtay, in uu mushaharkiisa dhimo
10%, taas oo uu iyadana Sergio Ramos kasoo
horjeedsaday.
Labadan arrimood ayaa la rumaysan yahay inay soo
afjareen waayihii 16ka sannadood ahaa ee Sergio Ramos
iyo Real Madrid.
Kooxdee ayuu tegayaa Sergio Ramos?
Bilihii ugu dambeeyey, kooxo waaweyn ayaa lala
xidhiidhinayay Sergio Ramos, waxaana safka hore kaga
jirtay Manchester United oo sidoo kale rajaynaysa inay
hesho Raphael Varane oo isagana sannad kali ahi ka
hadhsan yahay qandaraaskiisa Real Madrid.
Manchester United ayay warbaahinta Ingiriisku sheegtay
inay marar badan oo hore isku dayday inay hesho Ramos
dhawrkii sannadood ee ugu dambeeyey, laakiin ay hadda
haysato fursad.
Waxa kale oo saxeexa laacibkan raadinaysa PSG oo u
baahan ciyaartoy khibrad iyo hoggaamin leh oo u buuxiya
booskii uu banneeyey Thiago Silva oo sannad ka hor si
xor ah ugu wareegay PSG.
Inkasta oo aanu Sergio Ramos wali ka hadal
mustaqbalkiisa, haddana labadan kooxood ayaa ah kuwa
sida weyn loola xidhiidhinayo. Laakiin waxa kale oo tartan
kula jirta kooxdiisii hore ee uu kasoo baxay ee Sevilla oo
u bandhigtay heshiis shan sannadood ah.

Published by Adan Hassan

I am a

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

Create your website with WordPress.com
Get started
%d bloggers like this: