Talyaaniga Oo U Gudbay Wareega 16ka,Turkey Oo Noqday Dalkii U Horreeyey EeHadhay Iyo Natiijooyinka Kulamadii Euro EeCaawa

Xulka qaranka Talyaaniga ayaa noqday dalkii ugu
horreeyey ee u gudbay wareegga 16ka tartanka
qaramada Yurub ee Euro 2020, kaddib markii ay
guuleysteen labadii kulan ee ugu horreeyey.
Talyaaniga ayaa 3-0 ku garaacay Switzerland oo ay ku
martigeliyeen garoonka Olimpico ee magaalada Rome,
halkaas oo ay Jimcihiina natiijadan oo kale kaga
badiyeen Turkey oo caawa fiidkiina guul-darro kala
kulmay Wales.
Laba gool oo uu dhaliyey laacibka khadka dhexe ee
Manuel Locatelli iyo mid saddexaad oo uu ku daray Ciro
Immobile ayaa Talyaaniga siiyey guul 3-0 ah oo ay ka
gaadheen Switzerland, waxaase ka horreeyey gool kale
oo uu dhaliyey difaaca ruug-caddaaga ah ee Giorgio
Chiellini kaas oo markii ay dabbaal-degga dhamaysteen
lagu wargeliyey in laga diiday.
Italy ayaa yeeshay lix dhibcood oo ay ku hoggaaminayaan
Group A, waxaanay laba dhibcood ka horreeyaan Wales
oo kaalinta labaad ku jirta, laakiin waxay fursadda
bixitaanka ka heleen Switzerland oo saddexaad ku jirta
haysatana hal dhibic oo kaliya, taas oo xataan haddii ay
soo badiso kulanka u hadhay kaliya soo qaban karta
Wales ee aan Talyaaniga gaadhi karin.
Xulka afraad ee ku jira Group A ayaa ah Turkey oo caawa
fiidkii xaqiiqsaday inay noqdeen dalkii ugu horreeyey ee
ka hadhay tartankan, kaddib guul-darro 2-0 ah oo ay kala
kulmeen Wales.
Turkey ayaa waxa hore 3-0 ugu soo garaacay Talyaaniga
kulankii furitaanka tartanka Euro 2020 ee Jimcihii,
waxaana xataa haddii ay guuleystaan kulanka u hadhay
ay kaliya yeelan karaan saddex dhibcood, taas oo ka
dhigan in ay macalaameeyeen tartanka.

Published by Adan Hassan

I am a

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

Create your website with WordPress.com
Get started
%d bloggers like this: