DEG-DEG: Xiddig Muhiim Ah Oo KuDhaawacmay Tababarkii Xulka England EeMaanta

Xulka qaranka England ayaa waxa ka dhaawacmay laacib
muhiim ah ka hor kulanka muhiimka ah ee ay Sabtida la
ciyaari doonaan Ukraine.
England ayaa waxay wareegga siddeedda tartanka
qaramada Yurub wada ciyaarayaan Ukraine iyagoo
labadooduba kasoo kala gudbay Czech Republic iyo
Sweden, waxaanu midkood iska xaadirin doonaa
wareegga siddeedda halka uu kan kalena tartanka ka
hadhi doono.
Tababare Gareth Southgate ayaa ka hor ciyaarta Ukraine
waxa uu xaqiijiyey in uu ka dhaawacmay laacibka da’da
yar ee Bukayo Saka oo wax ku noqday tababarkii u
dambeeyey ee Jimcihii ay samaynayeen ciyaartoyda
xulka dalkaas.
Saka oo kusoo bilowday kulankii Czech Republic, qaab
ciyaaareed wanaagsanna sameeyey ayaan qayb ka noqon
doonin ciyaarta Ukraine, kaddib markii tijaabooyin lagu
sameeyey ay muujiyeen inuu dhaawacan yahay.
Southgate oo warbaahinta la hadlay ayaa yidhi: “Hadda
ayaanu baadhitaan ku samaynay Bukayo, waxaanu qabaa
jug yar oo maanta soo gaadhay. Inta kale ee ciyaartoydu
waa taam, waana la heli karayaa.”
Xulka qaranka England ayaa haysta ciyaartooyo kale oo u
beddeli doona Saka, waxaana ka mid ah Phil Foden iyo
Jack Grealish. Sidoo kale, Jadon Sancho iyo Marcus
Rashford ayaa iyaguna taam ah.

Published by Adan Hassan

I am a

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

Create your website with WordPress.com
Get started
%d bloggers like this: