Talyaaniga Oo Tartanka Euro Ka SaarayBelgium Una Gudbay Semi-finalka

Xulka kubadda cagta Talyaaniga ayaa 2-1 ku garaacay
Belgium una gudbay wareegga Siddeedda oo ay isku
haleeli doonaan Spain.
Laba gool oo qurux badnaa oo qaybtii hore ay dhaliyeen
ayaa Talyaaniga ugu filnaanay inay iska xaadiriyaan
wareegga siddeedda, halka Belgium oo fursado badan
heshay ay kaliya hal gool oo rikoodhe ahaa heleen
dhamaadka qaybta hore.
Daqiiqaddii 13aad ayuu Leonardo Bonucci gool u dhaliyey
Talyaaniga, kaddib markii uu shafka kusii riixay kubbada,
siina dhaafiyey Thibaut Courtois, hase yeeshee markii ay
dabbaal-degga dhamaysteen ayaa laga soo eegay VAR,
meeshana laga saaray goolkaas.
Romelu Lukaku ayaa labad fursadood oo cajiib ahaa iska
lumiyey daqiiqadihii ugu horreeyey ka hor inta goolka
naxdinta ah aanu Bonucci ku argagax gelin, laakiin waxa
uu midna u dhiibay Donnarruma midka kalena wuxuu
dulmariyey goolka.
Xulka qaranka Talyaaniga ayaa dabbaal-degay daqiiqaddii
31aad, markaas oo gool qurux badan uu u dhaliyey
laacibka da’da yar ee Nicola Borella oo kubbad uu difaaca
kala dhex-baxay dhinaca midig ka dhigay Courtois oo
qaban kari waayey.
Kubaddan ayaa waxa kasoo shaqeeyey laacibka khadka
dhexe ee Marco Verratti.
Lorenzo Insigne ayaa hoggaanka usii dheereeyey
Talyaaniga daqiiqaddii 44aad, waxaanu u dhaliyey gool
qurux badan oo uu ciyaarta kaga dhigay 2-0.
Iyadoo siidhiga dhamaadka afka lagu hayo ayaa uu
Belgium loo dhigay kubbad rikoodhe ahayd oo dood
badan ay ka keeneen Talyaanigu, laakiin VAR oo laga soo
hubiyey lagu buriyey dooddooda.
Romelu Lukaku ayaa gool u beddelay rikoodahaas,
waxaanay qaybta hore kusoo dhamaatay 2-1.
Qaybtii dambe ayay Belgium soo xoogaysatay, waxaanay
si fiican gacanta ugu dhigtay khadka dhexe halka uu
Lukaku culays badan ku hayey difaacyahannada isagoo
adeegsanaya jidhkiisa awoodda badan iyo orodkiisa
dheereeya.
Fursad layaab lahayd oo kubadda meel bannaan loo
dhigay Lukaku ayaa si lama filaan ah uu bilowga qaybta
hore iskaga khasaariyey, waxaana sidoo kale fursado
lumiyey Jeremy Doku oo ahaa ciyaartoygii rikoodhaha
keenay iyo xiddigo kale.
Talyaaniga ayaa qaybtii dambe awoodda saaray sidii ay u
ilaashan lahaayeen goolka oo uu sidoo kale waardiye ka
ahaa Gianluigi Donnarumma, waxaanay ciyaartu kusoo
dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacday Talyaaniga.
Semi-finalka ayay Talyaaniga isku ballansadeen xulka
qaranka Spain oo iyaguna fiidkii rikoodheyaal kaga soo
badiyey Switzerland.

Published by Adan Hassan

I am a

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

Create your website with WordPress.com
Get started
%d bloggers like this: