XASUUQ: Roma Oo 10-0 Ku XasuuqdayKoox Kulankii Ugu Horreeyey Ee JoseMourinho Maamulo

Kooxda kubadda cagta AS Roma ayaa xasuuq weyn
geysatay kulankii u horreeyey ee Jose Mourinho uu
tababare u noqday iyagoo gaadhay guul 10-0 ah.
Jose Mourinho oo horraantii bishan gaadhay magaalada
Rome, ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxa uu tababar
siinayay kooxdiisa, isagoo u diyaarinaya xilli ciyaareedka
cusub, waxaanay ciyaartii ugu horreysay dheeleen maanta
oo Khamiis ahayd.
Kooxda Talyaaniga ayaa samaysay dhoola-tus uu xasuuq
la socdo, waxaanay dhaliyeen toban gool oo jawaab
la’aan ah, taas oo bixinaysa ishaaro wanaagsan iyo
farxad ay taageereyaasha Roma kusoo dhoweynayaan
Jose Mourinho oo ay ka doonayaan inuu dib usoo
nooleeyo kooxda oo sannadihii ugu dambeeyey hoos u
dhac weyn ku yimid.
Roma oo aan laga waayi jirin afarta sare ayaa waxay
hoos u dhac weyni ku yimid, waxaanay xilli ciyaareedkan
ka maqnaanaysaa Champions League si la mid ah
sannadkii hore, balse Mourinho ayaa laga doonayaa in uu
xilli ciyaareedka dambe keeno kaalmaha sare.
Kulan saaxiibtinimo oo ay galabta la ciyaareen kooxda
heerka labaad ee Tuscans Montecatini Calio ayay Roma
ka geysatay xasuuq, waxaanay dhalisay toban gool iyo
shabaqooda oo nadiif ah oo ay garoonka ka baxeen.
Weeraryahanka reer Spain ee Borja Mayoral oo ay amaah
kaga soo qaateen Real Madrid ayaa dhaliyey saddex ka
mid ah goolashaas, halka uu Nicolo Zaniola ku daray
rikoodhe ka hor intii aanay shan ciyaartoy oo kale min hal
gool raacin, halka goolka tobnaadna ay iska dhalisay
kooxda martida ahayd.
Kulankan oo ka dhacay garoonka tababare Roma ee
Fulvio Berardini, ayaa waxay taageereyaashu eegayeen
qaabka uu Jose Mourinho kula bilowdo kooxda iyo haddii
uu muujin karo isbeddel, waxaase uu soo bandhigay wax
ka badan intii ay filayeen.
Carles Perez ayaa gool-dhalinta u furay Roma, waxaana
sii raaciyey Gianluca Manini, Mayoral oo saddexlay
dhaliyey, Riccardo Calafiori, Zaniola, Nicola Zalewski iyo
Amadou Diawara, halka goolka tobnaadna ay iska
dhaliyeen ciyaartoyda goolasha lagu asqeeyey.
Roma ayaa kulanka xiga ee saaxiibtinimo oo laga daawan
doono telefishannada, waxay Axadda la ciyaari doontaa
kooxda yar ee Ternana, waxaana la eegi doonaa natiijada
uu ka keeno Jose Mourinho.

Published by Adan Hassan

I am a

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

Create your website with WordPress.com
Get started
%d bloggers like this: